Add parallel Print Page Options

39 Haddaba Wiilka Aadamow, Juuj wax ka sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye. Dib baan kuu soo celin doonaa, waanan ku soo kaxaysan doonaa, oo waxaan kaa soo kicin doonaa meelaha woqooyi ugu shisheeya, oo buuraha reer binu Israa'iil ayaan ku keeni doonaa. Oo qaansadaada gacantaada bidix waan ka tuuri doonaa, oo fallaadhahaagana gacantaada midig baan ka ridi doonaa. Waxaad ku kor le'an doontaa buuraha reer binu Israa'iil, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan iyo dadka kula jiraaba, oo haadka adag ee cayn kasta ah iyo dugaagga duurka ayaan cunto ahaan kuu siin doonaa inay ku cunaan. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ku le'an doontaa berrin bannaan, waayo, aniga ayaa saas ku hadlay. Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay. Oo waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil. Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay. Oo kuwa magaalooyinka reer binu Israa'iil degganu way soo bixi doonaan, oo waxay dab ku shidan doonaan oo ay gubi doonaan hubka dagaalka, kuwaasoo ah gaashaammada yaryar iyo gaashaammada waaweynba, iyo qaansooyinka iyo fallaadhaha, iyo budhadhka iyo warmaha, oo intii toddoba sannadood ah ayay dab ku shidan doonaan. 10 Sidaas daraaddeed iyagu duurka qoryo kama ay soo guran doonaan, oo kayntana waxba kama ay soo goosan doonaan, waayo, waxay dab ku shidan doonaan hubka dagaalka, oo waxay boobi doonaan kuwii iyaga boobay, wayna dhici doonaan kuwii iyaga dhacay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

11 Oo wakhtigaas waxaan Juuj meel lagu aaso ka siin doonaa dalka reer binu Israa'iil, taasoo ah dooxada badda dhankeeda bari loo maro, oo taasuna way joojin doontaa socotooyinka mara. Oo halkaasaa lagu aasi doonaa Juuj iyo dadkiisa faraha badan oo dhan, oo waxaa loo bixin doonaa dooxadii Hamoonjuuj. 12 Oo intii toddoba bilood ah ayaa reer binu Israa'iil iyaga aasi doonaan, si ay dalka u nadiifiyaan aawadeed. 13 Oo waxaa iyaga wada aasi doona dadka dalka deggan oo dhan, oo wakhtiga lay ammaani doono ayaa taasu sharaf iyaga u noqon doontaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 14 Oo waxay gooni ahaan u sooci doonaan rag had iyo goorba dalka dhex mara inay meydadka dhulka ku hadhay aasaan, si ay dalka u nadiifiyaan, oo toddoba bilood dabadeed ayay wax baadhi doonaan. 15 Oo dalkay dhex marayaan oo markii qof dad lafihiis arko, wuxuu ka ag taagi doonaa calaamad, ilamaa kuwa wax aasaa ay dooxada Hamoonjuuj ku dhex aasaan. 16 Waxaana jiri doonta magaalo magaceeda la yidhaahdo Hamoonaah. Oo sidaasay dalka u nadiifin doonaan.

17 Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad la hadashaa haadka cayn kasta ah iyo dugaagga duurka oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Isa soo urursada, oo kaalaya, oo waxaad dhinac kasta uga soo ururtaan allabarigayga aan idiin qalay, kaasoo ah allabari weyn oo aan buuraha reer binu Israa'iil dul dhigay inaad hilib cuntaan oo aad dhiig cabtaan aawadeed. 18 Waxaad cuni doontaan ragga xoogga badan hilibkooda, oo waxaad cabbi doontaan amiirrada dunida dhiiggooda, kuwaasoo ah wanan waaweyn, iyo baraar, iyo orgi, iyo dibi, oo kulligood Baashaan lagu cayiliyey. 19 Oo allabarigayga aan idiin qalay ayaad ilamaa aad ka dheregtaan baruur ka cuni doontaan, oo ilamaa aad ku sakhraantaan dhiig ka cabbi doontaan. 20 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miiskayga ayaad waxaad kaga dhergi doontaan fardo iyo fardooley, iyo rag xoog badan, iyo kuwa dagaalyahanka ah oo dhanba. 21 Oo ammaantaydana waxaan dhex dhigi doonaa quruumaha, oo quruumaha oo dhammuna waxay wada arki doonaan xukunkayga aan sameeyey iyo gacantayda aan iyaga dul saaray. 22 Oo maalintaas iyo wixii ka dambeeyaba reer binu Israa'iil sidaasay u ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah. 23 Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in reer binu Israa'iil ay maxaabiis u noqdeen xumaantooda aawadeed, iyo in xadgudubkii ay igu sameeyeen aawadiis aan wejigayga uga qariyey, oo aan iyaga gacantii cadaawayaashooda ugu riday, oo ay kulligood seef ugu le'deen. 24 Waxaan iyaga ku sameeyey oo aan wejigayga uga qariyey sidii ay wasakhdoodu ahayd iyo sidii ay xadgudubyadoodu ahaayeen.

25 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa. 26 Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin, 27 markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan. 28 Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin. 29 Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.

39 “Son of man, prophesy against Gog(A) and say: ‘This is what the Sovereign Lord says: I am against you, Gog, chief prince of[a] Meshek(B) and Tubal.(C) I will turn you around and drag you along. I will bring you from the far north(D) and send you against the mountains of Israel.(E) Then I will strike your bow(F) from your left hand and make your arrows(G) drop from your right hand. On the mountains of Israel you will fall, you and all your troops and the nations with you. I will give you as food to all kinds of carrion birds(H) and to the wild animals.(I) You will fall in the open field, for I have spoken, declares the Sovereign Lord.(J) I will send fire(K) on Magog(L) and on those who live in safety in the coastlands,(M) and they will know(N) that I am the Lord.

“‘I will make known my holy name among my people Israel. I will no longer let my holy name be profaned,(O) and the nations will know(P) that I the Lord am the Holy One in Israel.(Q) It is coming! It will surely take place, declares the Sovereign Lord. This is the day(R) I have spoken of.

“‘Then those who live in the towns of Israel will go out and use the weapons for fuel and burn them up—the small and large shields, the bows and arrows,(S) the war clubs and spears. For seven years they will use them for fuel.(T) 10 They will not need to gather wood from the fields or cut it from the forests, because they will use the weapons for fuel. And they will plunder(U) those who plundered them and loot those who looted them, declares the Sovereign Lord.(V)

11 “‘On that day I will give Gog a burial place in Israel, in the valley of those who travel east of the Sea. It will block the way of travelers, because Gog and all his hordes will be buried(W) there. So it will be called the Valley of Hamon Gog.[b](X)

12 “‘For seven months the Israelites will be burying them in order to cleanse the land.(Y) 13 All the people of the land will bury them, and the day I display my glory(Z) will be a memorable day for them, declares the Sovereign Lord. 14 People will be continually employed in cleansing the land. They will spread out across the land and, along with others, they will bury any bodies that are lying on the ground.

“‘After the seven months they will carry out a more detailed search. 15 As they go through the land, anyone who sees a human bone will leave a marker beside it until the gravediggers bury it in the Valley of Hamon Gog, 16 near a town called Hamonah.[c] And so they will cleanse the land.’

17 “Son of man, this is what the Sovereign Lord says: Call out to every kind of bird(AA) and all the wild animals: ‘Assemble and come together from all around to the sacrifice I am preparing for you, the great sacrifice on the mountains of Israel. There you will eat flesh and drink blood.(AB) 18 You will eat the flesh of mighty men and drink the blood of the princes of the earth as if they were rams and lambs, goats and bulls—all of them fattened animals from Bashan.(AC) 19 At the sacrifice(AD) I am preparing for you, you will eat fat till you are glutted and drink blood till you are drunk. 20 At my table you will eat your fill of horses and riders, mighty men and soldiers of every kind,’ declares the Sovereign Lord.(AE)

21 “I will display my glory among the nations, and all the nations will see the punishment I inflict and the hand I lay on them.(AF) 22 From that day forward the people of Israel will know that I am the Lord their God. 23 And the nations will know that the people of Israel went into exile for their sin, because they were unfaithful to me. So I hid my face from them and handed them over to their enemies, and they all fell by the sword.(AG) 24 I dealt with them according to their uncleanness and their offenses, and I hid my face from them.(AH)

25 “Therefore this is what the Sovereign Lord says: I will now restore the fortunes of Jacob[d](AI) and will have compassion(AJ) on all the people of Israel, and I will be zealous for my holy name.(AK) 26 They will forget their shame and all the unfaithfulness they showed toward me when they lived in safety(AL) in their land with no one to make them afraid.(AM) 27 When I have brought them back from the nations and have gathered them from the countries of their enemies, I will be proved holy through them in the sight of many nations.(AN) 28 Then they will know that I am the Lord their God, for though I sent them into exile among the nations, I will gather them(AO) to their own land, not leaving any behind.(AP) 29 I will no longer hide my face(AQ) from them, for I will pour out my Spirit(AR) on the people of Israel, declares the Sovereign Lord.(AS)

Footnotes

  1. Ezekiel 39:1 Or Gog, prince of Rosh,
  2. Ezekiel 39:11 Hamon Gog means hordes of Gog.
  3. Ezekiel 39:16 Hamonah means horde.
  4. Ezekiel 39:25 Or now bring Jacob back from captivity