Menu
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
account
Share feedback on the new Bible Gateway
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
Share feedback on the new Bible Gateway
  • Read the Bible
    • Reading Plans
    • Advanced Search
    • Available Versions
    • Audio Bibles
  • Study Tools
    • Scripture Engagement
    • More Resources
  • Explorer More
    • Bible News
    • Newsletters
    • Devotionals
    • Bible Gateway App
    • Bible Audio App
    • Bible Gateway Blog
  • Store
    • Bibles
    • Deals
    • More
  • Bible Gateway Plus
SOM
Version
Bible Books Bible Books
SOM
Version
Read
Study
Explore
Store
Bible Gateway Plus
Light Mode Dark Mode
Font Size
Log In show menu
Previous Next
PrintPrintSettingsSettingsShareShareParallelParallelExpandExpandCollapse

Ruud 4  Somali Bible

Bocas Oo Guursaday Ruud

4 Markaasaa Bocas wuxuu tegey iriddii magaalada, oo halkaasuu fadhiistay; oo bal eeg waxaa ag yimid ninkii Bocas ka hadlay ee ahaa xigaalka uga dhow. Markaasuu wuxuu ku yidhi, War, hebelow, soo leexo, oo bal kaalay, halkan fadhiiso. Kolkaasuu soo leexday oo fadhiistay. 2 Markaasuu wuxuu soo kaxaystay toban nin oo odayaashii magaalada ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal halkan fadhiista, oo iyana way fadhiisteen. 3 Markaasuu wuxuu ku yidhi ninkii xigaalka u dhow ahaa, Nimco oo ka soo noqotay waddankii reer Moo'aab ayaa iibinaysa jagadii dhulka ahayd ee uu lahaa walaalkeen Eliimeleg. 4 Oo waxay ila noqotay inaan ku ogeysiiyo inaad ku iibsato kuwa halkan fadhiya iyo odayaasha dadkayga hortooda. Haddaad doonaysid inaad iibsatid, iibso, laakiinse haddaanad doonaynin inaad iibsatid ii sheeg aan ogaadee, waayo, nin kaaga dhow oo iibsanaya ma jiro, oo anna adigaan kaa dambeeyaa. Isna wuxuu yidhi, Waan iibsanayaa. 5 Markaasaa Bocas wuxuu yidhi, Maalintii aad Nimco gacanteeda beerta ka iibsatid, waa inaad Ruud tii reer Moo'aabna ka iibsataa, taasoo ah naagtii kii dhintay, inaad kii dhintay magiciisii ku soo celisid dhulkii dhaxalkiisa ahaa. 6 Markaasaa ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu yidhi, Anigu taas ma iibsan karo, waayo, waaba intaasoo aan dhaxalkayga halleeyaa; haddaba adigu qaado xaqii aan iibsashada u lahaa, maxaa yeelay, anigu ma aan iibsan karo. 7 Oo haddaba waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda caadadii ku saabsanayd kala iibsashada iyo kala beddelashada waxay ahayd in nin kabtiisa iska siibo oo uu deriskiisa u dhiibo in wax walba la sii adkeeyo aawadeed. Taasu waxay reer binu Israa'iil u ahayd sida loo markhaati furo. 8 Sidaas daraaddeed ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu Bocas ku yidhi, Adigu soo iibso. Markaasuu kabtiisii iska siibay. 9 Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi odayaashii iyo dadkii oo dhanba, Bal idinku maanta markhaatiyaal baad ka tihiin inaan Nimco gacanteeda ka iibsaday kulli wixii Eliimeleg lahaa oo dhan, iyo kulli wixii Kilyoon iyo Maxloon lahaayeen oo dhan. 10 Oo weliba Ruud tii reer Moo'aab oo ahayd naagtii Maxloonna waxaan u iibsaday inay naagtaydii ahaato ee aan kii dhintay magiciisii u soo celiyo dhulkii uu dhaxalka u lahaa, si uusan kii dhintay magiciisii uga go'in walaalihiis dhexdooda iyo iriddii meeshiisa; idinku markhaatiyaal baad ka tihiin. 11 Markaasaa dadkii iridda joogay oo dhan iyo odayaashiiba waxay yidhaahdeen, Markhaatiyaal baannu ka nahay. Naagta gurigaaga soo gashay Rabbigu ha ka dhigo sidii Raaxeel iyo Lee'ah, labadaas oo ahaa kuwii dhisay reerkii Israa'iil; oo adna Efraataah ku barwaaqow, Beytlaxamna caan ku ahow. 12 Oo farcanka Rabbigu kaa siin doono naagtan dhallintayar reerkaagu ha ku noqdo sidii reerkii Feres, kaasoo ahaa kii Taamaar u dhashay Yahuudah.

Abtirsiinadii Daa'uud

13 Markaasuu Bocas kaxaystay Ruud, oo iyana waxay noqotay naagtiisii; kolkaasuu iyadii u tegey, oo Rabbiguna wuxuu iyadii siiyey uur oo waxay dhashay wiil. 14 Markaasaa dumarkii waxay Nimco ku yidhaahdeen, Mahad waxaa leh Rabbiga aan maanta xigaalla'aan ku dhigin, oo magiciisuna reer binu Israa'iil caan ha ku dhex ahaado. 15 Oo isna wuxuu kuu noqon doonaa naf-sooceliye iyo ku markaad gabowdo ku quudiya. Waayo, waxaa isaga kuu dhashay gabadhii aad soddohda u ahayd ee ku jeclayd, ee kaaga sii wanaagsan toddoba wiil. 16 Markaasaa Nimco wiilkii qaadday oo laabta ku jiifisay, oo waxay u noqotay tu xannaanaysa. 17 Markaasaa dumarkii deriska u ahaa magac u bixiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Wiil baa u dhashay Nimco, oo magiciisiina waxay u bixiyeen Coobeed; oo isagu waa Yesay aabbihiis, kii Daa'uud dhalay. 18 Haddaba kuwanu waa abtirsiinyadii Feres. Feres wuxuu dhalay Xesroon; 19 Xesroonna wuxuu dhalay Raam, Raamna wuxuu dhalay Cammiinaadaab; 20 Cammiinaadaabna wuxuu dhalay Naxshoon, Naxshoonna wuxuu dhalay Salmoon; 21 Salmoonna wuxuu dhalay Bocas, Bocasna wuxuu dhalay Coobeed; 22 Coobeedna wuxuu dhalay Yesay, Yesayna wuxuu dhalay Daa'uud.

Next
Ruud 3
Samuu'eel Kowaad 1
Next
dropdown
Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo

Font Size

Font Size

Dark Mode

Light Mode Dark Mode

About

  • About
  • Learn About the Bible
  • Statement of Faith
  • Mobile App
  • Store
  • Blog
  • Newsroom
  • Support Us

Help

  • FAQs
  • Tutorials
  • Use Bible Gateway on Your Site
  • Advertise with us
  • Contact us
  • Privacy policy
  • California Privacy Rights
  • Do Not Sell My Personal Information
  • Site: Terms of use
  • Widget: Terms of use

Our Network

  • FaithGateway
  • StudyGateway
  • ChurchSource
  • HarperCollins Christian Publishing
  • Grupo Nelson
  • Editorial Vida
  • Thomas Nelson
  • WestBow Press
  • Zondervan
  • MasterLectures

Social

  • Facebook
  • Instagram
  • Pinterest
  • TikTok
  • X
  • YouTube

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
Sign Up for Bible Gateway: News & Knowledge
Get weekly Bible news, info, reflections, and deals in your inbox.

By submitting your email address, you understand that you will receive email communications from Bible Gateway, operated by HarperCollins Christian Publishing, 501 Nelson Pl, Nashville, TN 37214 USA, including commercial communications and messages from partners of Bible Gateway. You may unsubscribe from Bible Gateway’s emails at any time. If you have any questions, please review our Privacy Policy or email us at privacy@biblegateway.com.

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences