Add parallel Print Page Options

Qaynuunka Ugu Weyn(A)

34 Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen. 35 Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi, 36 Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn? 37 Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan. 38 Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya. 39 Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. 40 Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.

Read full chapter

Qaynuunka Ugu Weyn(A)

28 Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan? 29 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Kan ugu horreeyaa waxaa weeye, Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya. 30 Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan. 31 Ku labaad waa kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. Qaynuun kale oo kuwan ka weyn ma jiro.

Read full chapter