Add parallel Print Page Options

17 Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo. 18 Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey. 19 Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.

Read full chapter