Add parallel Print Page Options

14 Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub. Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay, ayaad boqorka Baabuloon ku soo maadsan doontaa, oo waxaad ka odhan doontaa, Kii wax dulmi jiray sidee buu u dhammaaday! Magaalada gabbaro qaadan jirtay sidee bay u idlaatay! Rabbigu wuxuu jebiyey hangoolkii kuwa sharka leh, iyo ushii taliyayaasha. Kii isagoo cadhaysan dadka ku dhufan jiray darbado joogta ah, oo quruumaha u talin jiray isagoo xanaaqsan waa la silciyaa iyadoo aan ciduna ka hor joogsan. Dunida oo dhammu way nasan tahay oo way xasilloon tahay, farxad baana lala gabyayaa. Dhirta berooshka ah iyo geedaha kedarka ah ee Lubnaanba way kugu reyreeyaan, oo waxay yidhaahdaan, Tan iyo waagii aad dhacday ninna nooma soo kicin inuu na jarto. She'oolka hoose wuu soo kacay oo u dhaqdhaqaaqay inuu ku qaabbilo markaad timaado, oo wuxuu kuu soo kiciyey kuwii dhintay oo ahaa xataa kuwii dhulka ugu waaweynaa oo dhan, oo boqorradii quruumaha oo dhan wuxuu ka soo kiciyey carshiyadoodii. 10 Oo iyana dhammaantood waxay kugu odhan doonaan, War adiguna ma sidayadoo kalaad u taag gabtay? Oo ma annagoo kalaad noqotay? 11 Sarrayntaadii iyo dhawaaqii shareeradahaagaba waxaa hoos loogu soo dejiyey She'ool, waxaa hoos lagaaga goglay dixiri, korkana waxaa lagaa huwiyey dixiri. 12 Xiddigta waaberiyow, Inanka arooryadow, sidee baad samada uga soo dhacday! Kaagan quruumaha taag yareeyeyow, sidee baa dhulka laguugu riday! 13 Waxaad qalbigaaga iska tidhi, Anigu waxaan kori doonaa samada, oo carshigaygana xiddigaha Ilaah waan ka sara marin doonaa, oo weliba waxaan ku fadhiisan doonaa buurta shirka ee darafka woqooyi ku taal. 14 Waxaan kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale. 15 Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska. 16 Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay, 17 oo dunida sidii lamadegaan oo kale ka dhigay, oo magaalooyinkeedii dumiyey, oo aan maxaabiistiisa u dayn inay gurigoodii ku noqdaan baa? 18 Boqorradii quruumaha oo dhammu dhammaantood sharaf bay ku jiifaan iyagoo mid kastaaba qabrigiisa ku jiro. 19 Laakiinse adiga waa lagu xooray, oo qabrigaagii waa lagaa fogeeyey sidii laan la karhay, oo sidii dharka kuwa la laayay oo seefta lagu mudhbixiyey oo hoos ugu dhaca dhagaxyada yamayska, ayaa sidii meyd oo kale lagugu tuntay. 20 Oo iyaga kuma darsami doontid, lagumana aasi doono, maxaa yeelay, dalkaagii waad baabbi'isay, dadkaagiina waad laysay. Farcanka xumaanfalayaasha weligood mar dambe lama magacaabi doono. 21 Meel lagu laayo u diyaarsha carruurtiisa xumaantii aabbayaashood aawadeed, si ayan u sara kicin, oo ayan dhulka u hantiyin, oo ayan dunida korkeedana magaalooyin uga buuxin. 22 Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigaa ku soo kici doona iyaga, oo Baabuloon ayaan ka baabbi'in doonaa magac iyo dad hadhay, iyo wiil iyo wiil wiilkii. 23 Oo weliba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa hantida caanaqubta iyo balliyo biyo ah, oo waxaan ku xaaqi doonaa xaaqinka baabbi'inta.

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Ashuur

24 Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay oo yidhi, Sida xaqiiqada ah waxay noqon doontaa sidii aan ku fikiray, oo taladanuna waxay u hagaagi doontaa sidii aan u qasdiyey, 25 taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa. 26 Kanu waa qasdigii loola qasdiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan. 27 Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qasdiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Reer Falastiin

28 Sannaddii Boqor Aaxaas dhintay ayaa warkan culus la yidhi.

29 Reer Falastiin oo dhammow, ha ku farxin in ushii lagugu garaacay jabtay, maxaa yeelay, abeesada xididkeeda waxaa ka soo bixi doona jilbis, oo farcankiisuna wuxuu noqon doonaa masduulaa dab leh. 30 Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa. 31 Iriddow, barooro. Magaaladaay, ooy! Reer Falastiin oo dhammow, kulligaa cabsi la dhalaal, waayo, waxaa woqooyi ka iman doona qiiq, oo midna saaxiibbadiis kama hadhi doono. 32 Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magangeli doonaan.

14 The Lord will have compassion(A) on Jacob;
    once again he will choose(B) Israel
    and will settle them in their own land.(C)
Foreigners(D) will join them
    and unite with the descendants of Jacob.
Nations will take them
    and bring(E) them to their own place.
And Israel will take possession of the nations(F)
    and make them male and female servants in the Lord’s land.
They will make captives(G) of their captors
    and rule over their oppressors.(H)

On the day the Lord gives you relief(I) from your suffering and turmoil(J) and from the harsh labor forced on you,(K) you will take up this taunt(L) against the king of Babylon:(M)

How the oppressor(N) has come to an end!
    How his fury[a] has ended!
The Lord has broken the rod(O) of the wicked,(P)
    the scepter(Q) of the rulers,
which in anger struck down peoples(R)
    with unceasing blows,
and in fury subdued(S) nations
    with relentless aggression.(T)
All the lands are at rest and at peace;(U)
    they break into singing.(V)
Even the junipers(W) and the cedars of Lebanon
    gloat over you and say,
“Now that you have been laid low,
    no one comes to cut us down.”(X)

The realm of the dead(Y) below is all astir
    to meet you at your coming;
it rouses the spirits of the departed(Z) to greet you—
    all those who were leaders(AA) in the world;
it makes them rise from their thrones—
    all those who were kings over the nations.(AB)
10 They will all respond,
    they will say to you,
“You also have become weak, as we are;
    you have become like us.”(AC)
11 All your pomp has been brought down to the grave,(AD)
    along with the noise of your harps;(AE)
maggots are spread out beneath you
    and worms(AF) cover you.(AG)

12 How you have fallen(AH) from heaven,
    morning star,(AI) son of the dawn!
You have been cast down to the earth,
    you who once laid low the nations!(AJ)
13 You said in your heart,
    “I will ascend(AK) to the heavens;
I will raise my throne(AL)
    above the stars of God;
I will sit enthroned on the mount of assembly,(AM)
    on the utmost heights(AN) of Mount Zaphon.[b]
14 I will ascend above the tops of the clouds;(AO)
    I will make myself like the Most High.”(AP)
15 But you are brought down(AQ) to the realm of the dead,(AR)
    to the depths(AS) of the pit.(AT)

16 Those who see you stare at you,
    they ponder your fate:(AU)
“Is this the man who shook(AV) the earth
    and made kingdoms tremble,
17 the man who made the world a wilderness,(AW)
    who overthrew(AX) its cities
    and would not let his captives go home?”(AY)

18 All the kings of the nations lie in state,
    each in his own tomb.(AZ)
19 But you are cast out(BA) of your tomb
    like a rejected branch;
you are covered with the slain,(BB)
    with those pierced by the sword,(BC)
    those who descend to the stones of the pit.(BD)
Like a corpse trampled underfoot,
20     you will not join them in burial,(BE)
for you have destroyed your land
    and killed your people.

Let the offspring(BF) of the wicked(BG)
    never be mentioned(BH) again.
21 Prepare a place to slaughter his children(BI)
    for the sins of their ancestors;(BJ)
they are not to rise to inherit the land
    and cover the earth with their cities.

22 “I will rise up(BK) against them,”
    declares the Lord Almighty.
“I will wipe out Babylon’s name(BL) and survivors,
    her offspring and descendants,(BM)
declares the Lord.
23 “I will turn her into a place for owls(BN)
    and into swampland;
I will sweep her with the broom of destruction,(BO)
    declares the Lord Almighty.(BP)

24 The Lord Almighty has sworn,(BQ)

“Surely, as I have planned,(BR) so it will be,
    and as I have purposed, so it will happen.(BS)
25 I will crush the Assyrian(BT) in my land;
    on my mountains I will trample him down.
His yoke(BU) will be taken from my people,
    and his burden removed from their shoulders.(BV)

26 This is the plan(BW) determined for the whole world;
    this is the hand(BX) stretched out over all nations.
27 For the Lord Almighty has purposed,(BY) and who can thwart him?
    His hand(BZ) is stretched out, and who can turn it back?(CA)

A Prophecy Against the Philistines

28 This prophecy(CB) came in the year(CC) King Ahaz(CD) died:

29 Do not rejoice, all you Philistines,(CE)
    that the rod that struck you is broken;
from the root of that snake will spring up a viper,(CF)
    its fruit will be a darting, venomous serpent.(CG)
30 The poorest of the poor will find pasture,
    and the needy(CH) will lie down in safety.(CI)
But your root I will destroy by famine;(CJ)
    it will slay(CK) your survivors.(CL)

31 Wail,(CM) you gate!(CN) Howl, you city!
    Melt away, all you Philistines!(CO)
A cloud of smoke comes from the north,(CP)
    and there is not a straggler in its ranks.(CQ)
32 What answer shall be given
    to the envoys(CR) of that nation?
“The Lord has established Zion,(CS)
    and in her his afflicted people will find refuge.(CT)

Footnotes

  1. Isaiah 14:4 Dead Sea Scrolls, Septuagint and Syriac; the meaning of the word in the Masoretic Text is uncertain.
  2. Isaiah 14:13 Or of the north; Zaphon was the most sacred mountain of the Canaanites.