Luukos 6:37-38
Somali Bible
Dad Kale Ha Xukumina(A)
37 Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa. 38 Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.
Read full chapter
Luukos 6:41-42
Somali Bible
41 Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa? 42 Sidee baad walaalkaa ugu odhan kartaa, Walaalow i daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree, adiga oo aan arkaynin dogobka ishaada ku jira? Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.
Read full chapter© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya