Add parallel Print Page Options

24 Oo Balcaamna markuu arkay in Rabbigu ku farxay inuu reer binu Israa'iil barakeeyo, ma uu tegin sidii mararkii kale inuu sixir doondoono, laakiinse wuxuu wejigiisii u jeediyey xagga cidlada. Markaasaa Balcaam indhaha kor u qaaday, oo wuxuu arkay reer binu Israa'iil oo qabiil qabiil u deggan, kolkaasaa waxaa isagii ku soo degay ruuxii Ilaah. Markaasuu hadalkiisii watay oo wuxuu yidhi,

Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay,
Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla
Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka,
Oo dhaca isagoo indhihiisu furan yihiin,
Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow,
Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!
Waxay u fidsan yihiin sidii dooxooyin,
Iyo sidii beero webiga barbarkiisa ku yaal,
Iyo sidii geedo dacar ah oo Rabbigu beeray,
Iyo sidii geedo kedar ah oo biyo ku ag yaal.
Baaldiyadooda waxaa ka daadan doona biyo,
Oo farcankoodu wuxuu ku jiri doonaa biyo badan,
Oo boqorkooduna wuu ka sarrayn doonaa Agag,
Oo boqortooyadoodana waa la sarraysiin doonaa.
Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey,
Oo iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,
Oo waxay cuni doonaan quruumaha cadaawayaashooda ah,
Oo lafahooda way jejebin doonaan,
Oo waxay iyaga ka mudhbixin doonaan fallaadhahooda.
Iyagu hoos bay isu gaabiyeen, oo sida aar bay u jiifsadeen,
Iyo sida gool libaax; haddaba bal yaa kicin doona?
Duco ha ku dhacdo ku alla kii idiin duceeya,
Oo habaarna ha ku dhaco ku alla kii idin habaara.

10 Markaasaa Baalaaq aad ugu cadhooday Balcaam, oo gacmihiisuu isku dhuftay. Oo Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Waxaan kuugu yeedhay inaad cadaawayaashayda ii habaartid, oo bal eeg, saddexdan jeer baad u wada ducaysay. 11 Haddaba meeshaadii ku carar. Anigu waxaan damacsanaa inaan derejo weyn ku siiyo, laakiinse Rabbigu dib buu kaaga celiyey derejadii. 12 Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, War kuwii farriin kaa waday miyaanan u sheegin oo aanan ku odhan, 13 Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga inaan maankayga ka sameeyo xumaan iyo samaan toona. Wixii Rabbigu ku hadlo, kaas uun baan ku hadli doonaa. 14 Haddaba waxaan u tegayaa dadkaygii, oo bal kaalay aan kuu sheego waxay dadkanu dadkaaga ku samayn doonaan maalmaha ugu dambaysta.

Farriintii Afraad Ee Balcaam

15 Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi,

Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay,
Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
16 Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla,
Oo yaqaan aqoonta Kan ugu sarreeya,
Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka,
Oo dhaca, isagoo indhihiisu furan yihiin,
17 Isagaan arkaa, haddase ma aha,
Waan u jeedaa, mase dhowa,
Reer Yacquub xiddig baa ka soo bixi doonta,
Reer binu Israa'iil waxaa ka soo kici doonta ul boqortooyo,
Oo waxay burburin doontaa rukummada Moo'aab,
Oo waxay baabbi'in doontaa dadka Sheed oo dhan.
18 Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda,
Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa.
Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.
19 Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona,
Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.

Farriintii Ugu Dambaysay Ee Balcaam

20 Markaasuu Camaaleq eegay, oo hadalkiisii sii watay oo yidhi,

Camaaleq wuxuu ahaa kan quruumaha ugu horreeya,
Laakiinse ugudambaysta wuu halligmi doonaa.

21 Oo haddana wuxuu eegay reer Qeyn, markaasuu hadalkiisii sii watay oo yidhi,

Meeshaad deggan tihiin waa adag tahay,
Oo buulkiinnana dhagaxaa laga dhisay.
22 Habase yeeshee waa laydin baabbi'in doonaa, reer Qeynow,
Jeer ay reer Ashuur maxaabiis ahaan idiin kaxaystaan.

23 Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi,

Hoogay, ee bal yaa sii noolaan doona markii Ilaah waxan sameeyo?
24 Laakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim,
Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber,
Oo isna wuu halligmi doonaa.

25 Markaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.