Add parallel Print Page Options

Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii shanaad, markaasaan arkay xiddig samada ka timid oo dhulka ku soo dhacday; oo waxaa iyadii la siiyey furihii ceelka yamayska. Markaasay waxay furtay ceelkii yamayska, oo ceelkii waxaa kor uga soo baxay qiiq u eg qiiq foorno weyn; oo qiiqii ceelka aawadiis ayaa qorraxdii iyo hawadiiba gudcur la noqdeen. Markaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin. Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane. Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino. Oo ayaamahaasna dadku waxay doondooni doonaan dhimasho, oo sinaba uma ay heli doonaan, oo waxay jeclaan doonaan inay dhintaan, laakiinse dhimashadu way ka carari doontaa iyaga. Oo ayaxa qaabkiisuna wuxuu u ekaa fardo dagaal loo diyaariyey; oo madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab u eg, oo wejiyadooduna waxay u ekaayeen wejiyo dad. Oo waxay lahaayeen timo u eg timo dumar; ilkahooduna waxay u ekaayeen ilko libaax. Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood. 10 Oo waxay lahaayeen dabo u eg hangarallayaasha dabadooda iyo miciyo; oo dabadoodana waxay ku lahaayeen xoog ay dadka wax ku yeelaan intii shan bilood ah. 11 Oo waxaa iyaga boqor u ah malagga yamayska; oo magiciisana afka Cibraaniga waxaa lagu yidhaahdaa Abaddoon; afka Gariiggana magiciisa waxaa lagu yidhaahdaa Abolyoon.

12 Hooggii kowaad wuu dhammaaday; oo bal eeg, weli waxaa dhiman oo hadda ka dib imanaya laba hoog oo kale.

13 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal, 14 oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad. 15 Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel. 16 Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii. 17 Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud. 18 Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay. 19 Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.

20 Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin; 21 kamana ay toobadkeenin diliddoodii iyo saaxirnimadoodii iyo sinadoodii iyo tuugnimadoodii.