Add parallel Print Page Options

23 Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid,
Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,
Oo mindi cunaha iska saar
Haddaad tahay nin hunguri weyn.
Cuntadiisa macaan ha damcin,
Waayo, waa cunto khiyaaneed.
Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid.
Oo xigmaddaadana ka joogso.
Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin?
Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal,
Sida gorgor samada u duula oo kale.
Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin,
Cuntadiisa macaanna ha damcin,
Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro;
Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab,
Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa,
Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.
Nacas waxba ha kula hadlin,
Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
10 Soohdintii hore ha durkin,
Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
11 Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay;
Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
12 Qalbigaaga edbinta u jeedi,
Oo dhegahana erayada aqoonta.
13 Ilmaha edbin ha u diidin,
Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.
14 Ul baad isaga ku garaaci doontaa,
Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.
15 Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay,
Qalbigayguna wuu farxi doonaa.
16 Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa,
Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.
17 Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin,
Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.
18 Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud,
Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.
19 Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo,
Oo qalbigaagana jidka ku toosi.
20 Ha dhex joogin khamriyacabyada
Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,
21 Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan,
Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.
22 Dhegayso aabbahaagii ku dhalay,
Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.
23 Runta soo iibso, oo ha sii iibin,
Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
24 Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa,
Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.
25 Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen,
Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.
26 Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii,
Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.
27 Waayo, dhillo waa booraan dheer,
Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.
28 Sida tuug oo kale ayay u gabbataa,
Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.
29 Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh?
Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan?
Oo yaa indho casaan ah leh?
30 Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga,
Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.
31 Ha fiirin khamrigu markuu casaado,
Markuu koobka ka dhex dhalaalo,
Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.
32 Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada,
Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.
33 Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad,
Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.
34 Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada,
Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda.
35 Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin.
Way i garaaceen, iskamana aanan garan;
Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.