Add parallel Print Page Options

Maahmaahyadii Sulaymaan

10 Maahmaahyadii Sulaymaan.
Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa,
Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh,
Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo,
Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.
Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa,
Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.
Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh,
Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.
Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa,
Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
Kan xaqa ah xusuustiisu barako bay leedahay,
Laakiinse kuwa sharka leh magacoodu waa qudhmi doonaa.
Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa,
Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa;
Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.
10 Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa.
Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
11 Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed,
Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
12 Necbaantu waxay kicisaa isqabashada,
Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.
13 Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad,
Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.
14 Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon,
Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.
15 Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh,
Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.
16 Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol,
Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.
17 Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha,
Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.
18 Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan,
Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.
19 Hadal badan dembi lagama waayo,
Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.
20 Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay,
Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.
21 Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan,
Laakiinse nacasyadu waxgarashola'aantooda ayay u dhintaan.
22 Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa,
Oo isna caloolxumo kuma daro.
23 Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed,
Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.
24 Kii shar leh wuxuu ka cabsado ayaa ku soo dul degi doona,
Laakiinse kuwa xaqa ah waxay doonayaan waa la siin doonaa.
25 Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo,
Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.
26 Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay,
Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.
27 Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa,
Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.
28 Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad,
Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabbi'i doontaa.
29 Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman;
Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.
30 Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo,
Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.
31 Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad,
Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.
32 Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo,
Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.