Add parallel Print Page Options

Herodos Baa Xertii Silciyey Oo Butros Baa Xabsigii Ka Baxsaday

12 Haddaba wakhtigaas boqorkii Herodos ahaa ayuu wuxuu gacmihiisa u fidiyey inuu dhibo qaar ka mid ah kuwa kiniisadda. Wuxuuna seef ku dilay Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis. Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn. Oo kolkuu qabtayna, wuxuu ku riday xabsi, oo u dhiibay afar kooxood oo afar askari ah inay ilaaliyaan, isagoo doonaya inuu Iidda Kormaridda dabadeed dadka u soo saaro. Sidaas darteed Butros xabsigaa lagu hayay; laakiin kiniisadda baa Ilaah aad iyo aad ugu bariday isaga.

Oo markii Herodos damcay inuu soo saaro, isla habeenkaas Butros wuxuu kala dhex hurday laba askari isagoo ku xidhan laba silsiladood; waardiyayaalna albaabka hortiisa ayay xabsiga ka ilaalinayeen. Oo bal eega, malaa'igtii Rabbiga baa is-ag taagtay, oo iftiin baana xabsiga iftiimiyey. Markaasay Butros dhinaca ku dhufatay oo toosisay, oo waxay ku tidhi, Dhaqso u kac. Kolkaasaa silsiladihiina gacmihiisii ka dhaceen. Markaasaa malaa'igtii waxay ku tidhi, Gunto oo kabahaaga xidho. Taas buuna yeelay. Markaasay waxay ku tidhi isagii, Dharkaagii huwo oo i soo raac. Markaasuu soo baxay oo raacay; ma uuna garanaynin in waxay malaa'igtu samaysay ay run tahay, laakiin wuxuu u maleeyey inuu riyo arkay. 10 Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.

11 Oo markii Butros isgartay ayuu wuxuu yidhi, Imminka run ahaantii waan garanayaa in Rabbigu malaa'igtiisii soo diray oo iga bixiyey gacanta Herodos iyo wixii dadka Yuhuuddu filanayeen oo dhan. 12 Kolkuu waxaas ka fikiray, wuxuu yimid gurigii Maryan, oo ahayd hooyadii Yooxanaa oo Markos la odhan jiray; meeshaasoo dad badan ku urursanaayeen oo ku tukanayeen. 13 Markuu albaabka iridda garaacayna, waxaa timid gabadh midiidin ah oo Roda la odhan jiray inay maqasho. 14 Kolkay codkii Butros garatay, farxad darteed bay albaabka u furi weyday, laakiin gudaha bay ku orodday, wayna sheegtay in Butros iridda hor taagan yahay. 15 Markaasay waxay ku yidhaahdeen iyadii, Waad waalan tahay. Laakiin way ku sii adkaysatay inay sidaa tahay. Iyaguse waxay yidhaahdeen, Waa malaa'igtiisii. 16 Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen. 17 Laakiin isagoo u gacan haadinaya inay aamusaan ayuu wuxuu u sheegay sida Rabbigu xabsiga uga soo saaray. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan u sheega Yacquub iyo walaalahaba. Markaasuu ka tegey oo meel kale aaday. 18 Markii waagu beryay, qasmid aan yarayn ayaa askartii ka dhex kacday waxa Butros ku dhacay aawadeed. 19 Oo Herodos markuu raadiyey isagii oo heli waayay, ayuu wuxuu imtixaamay askartii, oo wuxuu ku amray in iyaga la laayo. Markaasuu Yahuudiya ka tegey oo Kaysariya aaday, oo meeshaasuu joogay.

Dhimashadii Herodos

20 Dadka Turos iyo Siidoon ayuu aad uga xumaaday; markaasay u yimaadeen isagii iyagoo isku wada qalbi ah, oo waxay la saaxiibeen Balaastos kii gurigii boqorka u talin jiray, oo nabad bay ka baryeen, maxaa yeelay, waddankooda waxaa cuntada siin jiray waddankii boqorka.

21 Maalintii la ballamay ayaa Herodos wuxuu gashaday dharkii boqornimada oo carshiga ku fadhiistay, markaasuu iyaga qudbad u jeediyey. 22 Dadkiina waa qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu waa ilaah codkiis ee ma aha bini-aadan codkiis. 23 Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.

24 Laakiin Rabbiga ereygiisu waa kordhay oo batay.

25 Barnabas iyo Sawlos ayaa ka soo noqday Yeruusaalem markay shuqulkoodii soo dhammaysteen, oo waxay wateen Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.