Add parallel Print Page Options

Eliifas

Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa?
Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?
Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay,
Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.
Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay,
Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.
Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa,
Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.
War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato,
Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?
Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin?
Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?
Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa,
Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.
Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa,
Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.
10 Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii,
Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan.
11 Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa,
Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.
12 Haddaba war baa qarsoodi la iigu keenay,
Oo dhegtayduna faqiisay qabsatay.
13 Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan,
Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,
14 Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay,
Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.
15 Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray,
Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.
16 Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay;
Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay;
Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,
17 War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa?
Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?
18 Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo;
Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.
19 Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan,
Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro,
Oo sida balanbaallis u burbura!
20 Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan;
Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.
21 Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo?
Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.