Add parallel Print Page Options

29 Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,

Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore,
Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,
Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay,
Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,
Markii aan xoog lahaan jiray,
Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,
Markii Ilaaha Qaadirka ahu ila jiri jiray,
Oo carruurtayduna ay hareerahayga joogi jireen,
Markay tallaabooyinkaygu subagga la barwaaqoobi jireen,
Oo ay webiyaasha saliidda ahu dhagaxa iiga soo shubmi jireen!
Markaan magaalada iriddeeda u bixi jiray,
Oo aan kursigayga meel bannaan ku diyaarin jiray.
Dhallinyaradu intay i arkaan ayay dhuuman jireen,
Oo odayaashuna intay sara joogsadaan ayay istaagi jireen,
Amiirraduna intay hadalka joojiyaan,
Ayay afka gacanta saari jireen.
10 Ragga gobta ahuna way aamusi jireen,
Oo carrabkoodiina dhabxanagguu ku dhegi jiray.
11 Waayo, markii dhegu i maqasho, way ii ducayn jirtay,
Oo iluna markay i aragto, way ii marag furi jirtay.
12 Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya,
Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.
13 Ka halligaadda ku dhow ducadiisa ayaa igu soo degi jirtay,
Oo ta carmalka ahna qalbigeeda waan ka farxin jiray ilaa ay gabay la rayrayso.
14 Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay,
Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.
15 Kuwa indhaha la' indho baan u ahaan jiray,
Kuwa curyaanka ahna cago baan u ahaan jiray.
16 Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan,
Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray.
17 Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray,
Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.
18 Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa,
Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.
19 Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa,
Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.
20 Sharaftaydu way igu cusub tahay,
Oo qaansadayduna gacantayday ku cusboonaatay.
21 Dadku dhegtuu ii dhigi jiray, oo i sugi jiray,
Oo taladayda aawadeedna way u aamusi jireen.
22 Weligood igama ay daba hadlin,
Oo hadalkayguna korkooduu ku soo dhibci jiray.
23 Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale,
Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.
24 Waan u af caddayn jiray markay qalbi jabaan,
Oo nuurkii jaahaygana hoos uma ay tuuri jirin.
25 Waxaan dooran jiray jidkooda, oo sida nin madax ah ayaan u fadhiisan jiray,
Oo waxaan u dhaqmi jiray sidii boqor ciidan dhex fadhiya,
Iyo sidii mid u tacsiyeeya kuwa baroorta.